Posts

Showing posts from September, 2013

Isfahamka Jubooyinka: Ku-qabso ku-qadi mayside

Iyadoo hardanka Kismaayo soo bilowday tan iyo markii huwanta isbahaysatay ee Dowladda,Maleeshiyaadka  Raskamboni iyo Ciidanka Kenya ay qabsadeen bishii September 2012, ayaa waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo hadana qalifsan. Dagaalo u-jeedo  badan lehna waa ay ka dhaceen. Koox uu hogaamiyo Barre Hiiraale oo qayb ka ahaa Dagaallada u-jeedada badnaa waa laga adkaaday oo Magaalada Kismaayo daafaheeda ayuu saldhigtay. U jeedadii uu dagaalka u galay lama xalin lagamana doodin. Dabcan wali waa uu gadoodsanyahay oo waxa uu soo wado Rabbi ayaa og. Waxaa sidoo kale baroorsan Qabaa’ilo trio badan oo Degaannada Jubooyinka u degaan sheegta oo taariikhduna qirayso in Gobolladaan ay deganaayeen tan iyo markii Soomalidu u soo hayaantay gayyiga ay maanta degantahay. Sida ku xusan Buugga uu qoray Prof.  Cabdalla Mansuur, “T aariikhda iyo Luuqadda Bulshada Soomaaliyeed”; Boggiisa 185, qabaa’illadaan waxay soo degaan dhulkaan intii u dhaxaysay Qarnigii 17aad – 18aad. Sidoo kale waa Qabiilk