Isfahamka Jubooyinka: Ku-qabso ku-qadi mayside

Iyadoo hardanka Kismaayo soo bilowday tan iyo markii huwanta isbahaysatay ee Dowladda,Maleeshiyaadka  Raskamboni iyo Ciidanka Kenya ay qabsadeen bishii September 2012, ayaa waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo hadana qalifsan. Dagaalo u-jeedo  badan lehna waa ay ka dhaceen. Koox uu hogaamiyo Barre Hiiraale oo qayb ka ahaa Dagaallada u-jeedada badnaa waa laga adkaaday oo Magaalada Kismaayo daafaheeda ayuu saldhigtay. U jeedadii uu dagaalka u galay lama xalin lagamana doodin. Dabcan wali waa uu gadoodsanyahay oo waxa uu soo wado Rabbi ayaa og. Waxaa sidoo kale baroorsan Qabaa’ilo trio badan oo Degaannada Jubooyinka u degaan sheegta oo taariikhduna qirayso in Gobolladaan ay deganaayeen tan iyo markii Soomalidu u soo hayaantay gayyiga ay maanta degantahay.

Sida ku xusan Buugga uu qoray Prof.  Cabdalla Mansuur, “Taariikhda iyo Luuqadda Bulshada Soomaaliyeed”; Boggiisa 185, qabaa’illadaan waxay soo degaan dhulkaan intii u dhaxaysay Qarnigii 17aad – 18aad. Sidoo kale waa Qabiilka kaliya ee Soomaali oo dega degaan dherarsan oo isku xiran; si ka duwan Qabaai’llada kale ee Soomaaliyeed.  Qabaa’illada Ab’gaaga (Indigenous) ee dega dhulkaan waxay dherarsanyihin si aan kala go’ lahayn laga bilaabo Doolow ilaa iyo agagaarka Af-Madow.  Nasiib darro-se waxay noqotay in tixin gelin Siyaasadeed ay waayeen oo la duudsiyo lana inkiro xaqii ay dhulkooda ku lahaayeen.

Sababta keentayna ay tahay oo kaliya in aysan ‘Indho-adeeg’ wax ku raadsan, kuna duulin dhul kale iyagu aanu lahayn.

Iyadoo ay xaqiiqdaa jirto ayaa hadana Dowlladda Soomaaliyeed waxaa ay doorbiday in ay xal Siyaasadeed la gasho cidda codkeedu dheereeyo ileen waa tii Soomaaliduba ku Maah maahatee, ‘Hooyadu waxay marwalba horumarisaa cunnugga oohinta dheer’, marka ay cuntadu qaybinayso. Sidaa si la mid ah ayaa Xukuumaduna ugu fiirisay in ninka durriinka badan leh xal deg deg ah lala gaaro, si ay iyaduna warbixinta ugu darsato in Guulo la taaban karo ka  gaartay Siyaasadda Arrimaha Gudaha madaama Sannad uu gabo-gebo u yahay;  iyadoo inta badan lugu dhaliiili jiray in Arrimaha Gudaha aan waxbadan uga qabsoomin.

Sidaa darteed Dowlladu ma xaq-doon baa mise Xal raadis?

Hadii Xukummadu ay ku doodo in ay xal raadis tahay; waxaa laga-maarmaan noqon doonta in dhabbadii hadda uu soo maray Maamulkii ay heshiiska la gashay ay qolo kale u soo tafa-xaydan doonaan oo gacan saar siyaasadeed la yeelan doonaan wadan ka mid ah waddamada inta badan daneeya isbed-bedelka Siyaasadeed ee Soomaalida. Amaba koox cusub oo xil-doon ah ka soo dhex bixi doonaan kuwa heshiiska lala-galay dabadeedna aragti cusub la yimaadaan, waa sidii lugu bartay Siyaasadda Soomaalida mudooyinkii u dambeeyay. Dowlladdu markaa maxay samayn doontaa?

Xaqqa iyo Xalkuba waxaa uu ku jiray in Madaxawayne Xasan Sheikh uu tadhbiiqiyo Cilmi Baarisyadii uu ku sameeyay  Dadka iyo Degaannada Soomaaliyeed ka hor inta uusan Madaxwayne loo caleemo saarin, taas oo ku-filnaan kartay, qanicinna kartay koox walba oo dood Siyaasadeed u duuban.

Siyaasad gudaheedka Xukummadda uu hogaamiyo Madaxwaye Xasan Sheikh waxay u muuqataa mid aan hurayn in is-bedel iyo dib-u-eegis wadiiqo badan leh lugu sameeyo. Sababtoo ah Gobol walba hindise ka duwan kan dowladda ayaa ka guuxaaya, durriin iyo eeg sheegad badan baa la isla dhexmarayaa.
Sidaa darteed si ay Dowlladu gaarto ugana dhabayso himilooyinka ay tiigsanayso inta ay xafiiska haynayso waa in ay xoogga saarta, xaqiijisanna hergelinta Lixda Tiir uu Madaxwaynu ku dhawaaqay ka dib markii uu ku guulaystay Xafiiska. Lixda Tiir dhaqan-gelintooda iyo u turjumaadooda si waafaqsan aragtida dadka degaannada ayaa shaafin karta baroorta ka yeeraysa Gobollada qaar ee Dalka.

Abdulkadir Suleiman

Political Analyst



"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA