Posts

Showing posts from May, 2011

barnaamijkii kulung

Image
Waa Barnaamij ka hadlaaya nolosha dhalinyarta Somaliyeed ee wadooyinka Mogadishu. Waxaa soo diyaariyay Abdulkadir Basha "Didiinglay dhamaateih"

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Image
Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhidaa, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyada ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii. Halgankii ummadda Soomaaliyeed uu hogaanka u soo hayay xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo loo qaaday dhanka sidii la isaga qaadi lahaa heeryadii guumaysiga isla markaana ummada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad taam ah. Dad badan oo Soomaaliyeed ayey suurtagal tahay inaanay maanta la socon inay tahay maalin quluubta shacabka Soomaaliyeed kaga taal meel muhiim ah, isla markaana taariikhda Dalka Soomaaliyeed ka gashey baal dahab. Waxaa sidoo kale si buuxda u soo baxdey inay jiraan dad badan aan fahmansaneyn qiimaha ay leedahay xorimada iyo in dad waliba uu yeesho calan iyo dawlad caalamka laga aqoonsan yahay. Xoriyadii ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii waxaa loo marey halgan aad u dheer oo dhiig badani ku qabtey, isla m

Shirkii SAARC aan ka qaybgalay sawiradiisa

Image
Markii aan Qudbada jiidinaayay Odayga oo geed ku dul fadhiya Aniga iyo Muzzafar - waa wiil aan isku group ahayn Aniga iyo Safiirkii hore Pakistan ee Newyork iyo Saxibkay Irfan Waa markii aan jeedinaayay Qudbadayda Waxaa hadlaaya wasiiradii kale madasha isla fadhinay Muzzafar iyo aniga Macalinkayga Jamacadda iyo aniga - Proff. farhan Qaar ka mid ah martida iyo aniga  Saxibadayda iyo Abdulkadir Basha Qaar ka mid ah ardayda aan isku classka nahay Ardaydii iyo aniga "Didiinglay dhamaateih"

YABAROW IS OBSESSED FOR TRABILISM AND UNDERMINING CONFIDENCE BUILDING MEASURES

Unfortunately every newly established institution carrying the whole name of Somalia is being developed just to appease some sort of tribal sections in Somalia. Despite the collective name of Somalia is shown on the top of every of these institutions;   so far there is no concrete indication that there assignment is to heal Somali’s perpetually cause,   in fact it is not only harming the pre-existing scramble but it is also boiling a new one.   Most Somali Media editors, particularly Abdurrahman Yabarow, is a great contributor to the growing mistrust among Somalis as a whole and Somali politicians in particular, if he is not the main source of that dishonest. Somali Medias with the exception of insignificant numbers do generally propagate the interest of just one tribe or even one family and deliberately set aside to promote what might really bridge the gap between Politicians whom by them self adopt a habit of an endless political deadlock and continuously fighting for personal inte

Isbedellada Siyaasadeed DM ee wayahan

Image
Damac siyaasadeed ee qowmiyadda DM ayaa wayahan la soo baxay waji cusub iyo dardar aan laloodin karin. Damacaan oo markiisi horaba jiray balse gaabsi ahaa ayaad waxaad modaa in baryahaan dambe uu la soo baxay fallaaro hor leh aan hore u jirin taaso oo la dhihi karo waxay u horseedi kartaa ummada Soomaaliyeed ee degta labada wabi dhaxdooda labo waxyeelood oo samayn ah. Mida kowaad waxaa ay noqon kartaa samayn wanaagsan oo waxaa suragal ah in Bulshadaasi ay indhahooda kala furan oo ay wajahaan sidii Bulshada kale ee Soomaliyeed uga riixi lahayeen maqaamadii lugu yaqiinay oo ahayd in ay waligood isku bedbedlaan labada jago ee dalka ugu saraysa – Madaxwaynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Sida taariikhda Somaliyeed lagu arki jiray wali ma dhicin shaqsi ka dhashay Bulshada labada wabi oo dalka madax ka noqoday amaba ka gaaray xitaa General sare oo xagga ciidanka ah, waxaa waliba intaasi sii dheeraa in xukunkii Military aanay jirin xitaa shaqsi ka dhashay qowmiyadaasi oo ka mid ahaa Golihii sare