HAB-DHAQANKA SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN XILLIYADA BAAHIDA DHABTA AH JIRTO.


Kursiga Shariif Xasan ku fadhiyo hadii aanu ka turjumaynin u adeegada Bulshada Digil Mirifle muxuu micnihiisu noqon karaa”

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya , Sharif Xasan Sheekh Adan, oo lagu tiriyo siyaasiga ugu qanisan  Shakhsiyaadka hadda ku jira Xukuumada Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya; islamarkaasna ah nin ku dheeraya kala rogrogga siyaasada ayaa xilliyada ay dhibtu jirto gabi ahaanba la arak isagoo intaasi u sii dheertahay ka fogaasha masrixada siyaasada si ka duwan xilliyada khilaafku jiro.

Xilligaan xaadirka ah oo dalku la ciirciiraayo Abaaro arxan daran oo aad u saameeyay Gobollada Koonfureed ee dalka ayaa Shariif Xasan Sheekh Adan wali aanu ka hadlin abaartaan saamaysay nolosha Soomaali tiro badan. Dhibaatada abaarta inteeda ugu xoogan ayaa ka dhacday Magaalooyinka uu Shariif Xasan dhalasho ahaan ka soo jeedo, sida Sarmaan oo ku taala Gobolka Bakool.

Kursiga Gudoomiyaha ayaa ah mid qayb ahaan ku soo aada Qowmiyadda Digil iyo Mirifle marka la tixgiliyo nidaamka ay Soomaalidu ku heshiisay oo loo yaqaano 4.5. Sidaas darteed Mudane Shariif Xasan ayaa had iyo jeer loo dhug taagayaa si uu isu dheeli-tiro danta guud ee Ummada Soomaaliyeed uu u haayo iyo mida gaar ahaaneed oo uu ku matalo Bulshada uu ka soo jeedo ee DM.

Ilaa iminka ma jirto mar qura ah oo Shariif Xasan lagu arkay xerooyinka ay ku jiraan dadka barkacyaasha oo badankooda ka dhashay isla bulshada Shariifku matalo, marka laga reebo xilli uu la socday Ra’isul wasaarihii Turkiga iyo Madaxwayne Sheekh Shariif oo si wada jir ah u booqanaayay xerooyinka barakacyaasha.

Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa muujiyay hab dhaqan aad uga liita kan Hogaamiye Kooxadyadii Mogadishu sida Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade. Warbaahinta gudaha ayaa soo tabisay Indhacade oo Rashiin Macaawino ah ku qaybinaya mid ka mid ah xerooyinka, halka Gudoomiyaha Barlaamankana aan wali hadal dhaxriis ku dheexantahay uusan u jeedin barkacyaasha gacan in uu u fidiyo iska daaye!
Arinkaan ayaa waji-gabax ku noqonaya Gudoomiyaha Barlamaanka maadama uu daah gadaashisa kagalay abaarta kana xishooday in uu wajigaas tuso walaalihiisa dhibaataysan.

Shariif Xasan ayaa xilli waxyar ka hor inta Abaarta aysan soo bixin Xildhibaano qaar u qaybiyay Layla Calaawiyo oo ah Baabuurta raaxada isagoo uga dan lahaa ujeedo siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneedba.
Mar hadii Layla-Calaawi loo qaybiyay tiro Xildhibaano ah oo midiiba ay ku kacday Kumaan Dollar ma waxuu garan waayay in Hal Layla_Calaawi lacagteeda quudinyso Boqolaal Qoysaska Barakacyaasha ah!
Midaa waxaa ka sii daran ka hadal la’aanta dhibaatada joogtada noqotay loona gaysano dhalinyarta Bahwadaagta yihiin Gudoomiyaha oo maalin walba loogu gaysanayo Gobollada Puntaland. Shariif Xasan ayaan mar qura xitaa ka hadlin arimahaan isagoo si bareer ah isaga indha tiray kana door biday in uu magacooda ku aroorsado Dollar dhibaatooyinkoodana dhinac iska dhigo.

Raisul Wasaare Cabdi Wali Gaas ayaa si aan gambasho lahayn u difaacay hab-dhaqanka Puntaland ku aadan dhalin yarta ka soo jeeda Bay iyo Bakool isagoo sabab uga dhigay in Puntland ay xaq u leedahay ka ariminta aminigeeda, taas oo micnaheedu noqonayo in Dhalinyarta garab raratada ay yihiin Al-shabaab. Qof nafsadiisa Alshabaab kala soo cararay oo qutul yoonka la tacalaya miyaa noqon kara qof u horseeda amni darro  isla meeshii uu ku ganacasanayay.  Waa arin Maskaxda Bani’aadanka aan marnaba ogolaanaynin.
Maadama Raisul Wasaarihii Dalka oo dhan difaacayo Hab dhaqanka guracan ee reerkiisa maxaa u diiday Shariif Xasan in uu talaabo taa la mid ah qaado.

Hab-dhaqanka Shariif Xasan ayaa shaki wayn galinaya Mas’uuliyadiisa iyo deegaanada uu ka so jeedo intuba. Prof Cabdalla Mansuur dhowaan Buug uu qoray ayuu ku sheegay in Asharaafta aanu gabi ahaanba ku jirin Qabaa’ilada DM. Sida Buugisa ku xusay Prof. Waxuu sheegay in Asharaaftu ay tahay qabiil gaar u taagan kana mid ah Qowmiyada Gibil Cadka, (ka eeg Bogga 240).  Aragtida Prof Cabdalla ayaa ka hor imaanaysa sida laga aaminsanyahay Asharaafta. Qowmiyadda DM ayaa aaminsan in Asharaaftu ay iyadu ka mid tahay sidaas darteedna ay xaq u leedahay in ay wax la qaybsato taasna ay sababtay kursiga hadda Shariif Xasan ku fadhiyo.

Arinkaan ayaa u baahan in ay abla’ableeyaan Aqoonyahannada Qowmiyadda DM si ay uga bixiyaan sharaxaad baaxad leh.

Hadii warka Prof Cabdalla uu run yahay maxay tahay sababta keentay in kurisiga ugu abooda badan xagga siyaasada uu ku fariisto Shakhsi degaan wadaag la ah Bulshada DM balse qabiil ahaan ka fog?
Dhinaca kale Xildhibaannda DM waxaa la gudboon in ay aragtidooda cadeeyaan oo si muuqata uga damqadan dhibaatooyinkan joogtada ah oo isug jira mid Dabiici iyo mid Insaani oo ku habsaday Bulshada DM. 




"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA