Xasuusta Maamulkii RRA



Ka dib burburkii dowladii Militariga dalka ka talin jirtay 1969 ilaa 1991, ayaa wadanka waxaa ku habsaday fowdo iyo nidaam la’aan aad u baahsan oo saameeyay dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha Somaliyeed. Waxaa sido kale dowladaas ka dib hanaqaaday kooxo iyo ururo sheegta in ay badbaadinayaan dalka kana shaqaynayaan arimaha bulsho waynta Soomaaliyeed balse aan guulo badan soo hooyin iyagoo ku dhamaada  fashil iyo burbur dhexdooda ku yimaada. Ururada dalka ka aasaasmay ayaa waxaa ka mid ahaa Ururkii ugu caansanaa ee mudooyinkaan oo ah ururka RRA.
  
RRA oo Micnaheedo yahay afka qalaad (Rahanwien Resistance Army) Ururka iska caabinta Raxawayn, ayaa ah Urur ka soo baxay Koonfur Galbeed Soomaliya. RRA waxaa lagu Aasaasay shir lagu qabtay 13-kii Octobar 1995, Jhaffay oo ah meel kaga beegan Magaalada Baydhabo dhinaca Galbed. Col. Xasan Maxamed Nur “Shaatigaduudna” loo doortey Godoomiye. Sababta loo aasasay waxay ahayd in uu tababaro Military u fidiyo dhalinta Gobolladaas islamarkaasna ku abuuro dareen wadaniyadnimo si ay isaga difacan xad gudubyada Bani’aadinimo ee kaga imaan jiray Qabaa’illada kale ee Somaalida. 
  
Dagaalo tiro badan oo lagu baab’ay ka dib. Ururkaan waxuu ku guulaystay in uu gacanta ku dhigo Magaalada Xudur Octobar 1998-dii isagoo aan cudud military iyo mid dhaqaale aanu ka helin gacan saddaxaad. Horaantii November Maleeshiyaadkii Caydiid oo ka soo firxaday Xudur ayaa ku soo aruuray Magaalada Baydhabo. Guushaan Xudur ayaa Ururkaan waxay usoo jiiday in uu sumacad ballaran ka kasbado Bulshada Gudaha iyo tan Dibadda.
  
6-dii June, maanta oo kale 1999-kii, ayaa RRA ku guulaystay in ay ka saarto Magaalada Baydhabo Maleeshiyaadkii haystay iyagoo gaaray ilaa Shabeellada Hoose. Si kasataba ha ahaatee Shirkii lagu qabatay Tuulada carta ee Wadanka Jabuuti inta u dhaxaysay May-August 2000 laguna soo dhisay Dowladii Madaxwaynaha ka noqday Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa wiiqay inta badan Hammigii iyo waliba cududii Military ee RRA. Ka dib markii la soo dhisay Dowladaas oo heshisyo dhowr ahna la gashay Madaxada RRA oo ku saabsanaa sidii loo fulin lahaa qodobadii lagu soo heshiyay ayaa dhaqangali waayay. Taasina waxay dhalisay in ay ka gao’aan Dowlladas una gogol xaaraan Maamul Goboleed lagu bedelo ururkii RRA. Maamul Goboleedkas ayaa loogu magaca daray “Southwestern Somalia”. Maamul Goboleedka Koofur Galbeedka. 

Si kastaba ha ahaatee dadaalkaas iyo himiladii ahayd in la helo Maamul Goboleed ka arimiya Gobolladaas ayaa u horseetay in uu cad cad u kala jabo ururkii RRA; aboodii military iyo sumacadiisina la laalo maalin qura ah! Burburkii ku yimid ururka RRA aya saamayn wayn ku yeeshay dhamaan bulshadi Raxanwayn iyadoo ilaa iyo maanta lala’yahay in la helo maamul baaxad leh oo daboola baahida bulshada ku dhaqan magoolyinka Koofur Galbeed.  
  
Ururka RRA waxyaalaha lugu xasuusto waxaa ka mid ahaa sida uu amniga iyo arimaha bulshada wax uga qabtay taaso Soomaalida oo dhan ku reebtay dareen baaxad leh. Ajaanibti kala duwanayd ee Adunka Dacalladisa ka kala yimid howlo shaqana u joogay gobolladaas ayaa si damaashaad leh ugu noolaan jiray Magaalooyinka waawayn ee sida Baydhabo; iyagoo xitaa si gaar ah u kaxaysan jiray baaburta ay ku adeegtaan. Hormarkaan ay ah mid aan wali gaarin Maamulada kale ee Dalka ka jira sida Puntland iyo Somaliland sidaas darteed waxaa la dhihi karaa in Maamulkii RRA uu ahaa mid meelo badan kaga hormarsanaa maamulada kale ee dalka.
  
Marka aan la barbar dhigno maamulada dalka soo maray waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Maamulkii Maxaakiimta ee daba-yaaqadii 2006-da ka soo ifbaxay magaalada Mogadisho. Marka laga eego dhinaca amniga waxaa la dhihi karaa in labada mamul ay isku yara dhowyihiin balse waxay aad uga kala fogyihiin dhinacyada kale ee Siyaasadda iyo Bulshada. Maamulki Maxaakiimta ma lahayn siyaasad hufan oo u degsanayd in ay ku maamulaan meelihii ay jogeen, wuxuuna ahaa nidaam ku salaysnaa arigtiyo kala duwan oo aan wada socon Karin isuna dulqaadan Karin halka kii RRA-da uu ahaa mamul Strategiyad Siyaasadeed hambaarsan.
  
Yididiilada Mustaqbalka
Ururka RRA dadkii Aasasay waa ay jogaan manta. Inta badan sidii shalay in ay ka khibrad badan yihiin (dhinaca siyaasada) waa arin hubaal ah. Sidoo kale waxaa soo baxay jiilal cusub oo hambaarsan fekrado cusuba lana jaanqaadi kara isbedellada siyaasadeed ee Dunida iyo tan Gudaha; iyadoo ay jiraan fursadahan ayaa waxaa la gudboon bulshada Koofur Galbeed in ay u istagaan sidii ay u keeni lahaayeen maamul ka tayo wanaagsan kii hore ee RRA. Waxaa soo kordhay maanta aqoonyahanno ku heel dheer dhamaan qaybaha kala duwan ee cilmiga sida; Siyaasada, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Warbaahinta. Fursadahan waxaa ay ka mid yihiin sabibihii la’aantood u burburay Ururka RRA.
Iyadoo laga faa’idaysanaayo taariikhda lana kaashanaayo cilmiga casriga ah ayaa bulshada koofur Galbeed uga gudbi karaan kala tafaraaruqa iyo hormar la’aanta haysata degaannada Qowmiyadda Digil iyo Mirifle

Abdulkadir Basha
  



"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN