Xusuusta RRA

Wadanka Soomaaliya oo ah wadanka ku yaala Geesaka Afrika, lehna Xeebta labad ee ugu dheer Afrika ayaa waxaa ku habsaday Dagaalo Sokeeyo, Colaado, Gaajo iyo waliba ilaawsho (International Isolation). Wadankaan oo ugu dambaysay wax dowladnimo u eg mudo ku dhow 20 sano ayaa waxaa ku soo batay dowladii Militariga ka dib (1969-1991), kooxo iyo Ururo sheegta in ay badbaadinayaan dalka una shaqaynayaan arimaha bulsho waynta Soomaaliyeed;kuwaas oo marka ay jiraan mudo inta badan ku siman sanad ilaaa 3 sano la waayo meel ay mareen ayaa waxaa ururadaasi ka mid ahaa Ururkii ugu caansanaa Ururada Soomalida waana Ururka RRA. 
  
RRA oo Micnaheedo yahay afka laatiinka (Rahanwien Resistance Army) Ururka iska caabinta ee Raxawayn, ayaa ah Urur ka soo baxay Koonfur Galbeed ee Soomaliya. 
RRA waxaa lagu Aasaasay shir lagu qabtay 13-kii Octobar 1995, Jhaffay oo ah meel kaga beegan Magaalada Baydhabo dhinaca Galbed. Col. Xasan Maxamed Nur “Shaatigaduudna” loo doortey Godoomiyinimo. Sababta loo aasasay waxay ahayd in uu Tababar Military iyo waliba mid dareensiin wadananimo lagu dheliyo Dhalinyarta Raxwayn si ay isaga difacan xad gudubyada Bani’aadinimo ee kaga iman jiray Qabaa’illada kale ee Somaalida. 
  
Dagaalo tiro badan oo lagu baab’ay ka dib.Ururkaan waxay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan Magaalada Xudur Octobar 1998-dii. Horaantii November Maleeshiyaadkii Caydiid waxay ku soo uruureen Magaalada Baydhabo. Guushaan Xudur ayaa Ururkaan waxay usoo jiiday sumacad ballaran uu ka kasbaday Bulshada Gudaha iyo mida Dibadda. (Both International Community and Oragnisations ). 
  
6-dii June 1999-kii, ayaa RRA waxay ku guulaysteen in ay ka saaraan Magaalada Baydhabo Maleeshiyaadkii haystay iyagoo gaaray Shabeellada Hoose. Si kasataba ha ahaatee Shirkii lagu qabatay Tuulada carta ee Wadanka Jabuuti inta u dhaxaysay May-August 2000 laguna soo dhisay Dowladii Madaxwaynaha ka noqday Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa wiiqay inta badan Hammigii iyo waliba cududii Military ee RRA. Ka dib markii la soo dhisay Dowladaas ayna soo wada galaan heshisyo Madaxada Dowladaasi iyo kuwa Ururka RRA ayaa dhaqangali waayay. Taasina waxay dhelisay in ay ka baxaan Dowllada una googol xaaraan Maamul Goboleed ay samaysteen Gobollada K/Galbeed looguna Magaca daray “Southwestern Somalia”. 
Balse dadaalkaas iyo himiladii ahayd in ay dhisaan Maamulkaas waxay u kentay Urukaan in cad cad u kala jabo Awoodii iyo Sumacadii kasbadayna noqotay HAL BACAAD LAGU LISAY! 
  
Ururka RRA oo noqday inta uu jiray mid Soomaalida oo dhan ay u riyaaqday sida uu amniga iyo arimaha bulshada uu wax uga qabtay ayaa manta wuxuu ku dhowyahay in taariikhda Soomalida laga masaxo. Waxyaabaha lagu xasuusto ayaa waxaa ka mid ah in Bulshada u dhalatay wadanka iska daayee xitaa Ajaanibta kala duwan ee Adunka Dacalladisa ku nool ay si damaashaad leh ugu Naaloon jireen Magaalooyinka uu maamuli jiray gar ahaan Magaalada Baydhabo. Taas oo waliba Ururkan kaga duwanaa dhamaan Ururada tirada badan ee ka jira Wadanka Soomaaliya. 
  
Dhab ahaantii sida uu ku bilawday Urukaan waxan dhihi karnaa Kacdoon shacbi oo ka dhashay xasuuq iyo qiimo dhinac baaxad leh oo loo gestay bulsho dhan oo leh Dhaqan suuban iyo ku dayasho diimeed iyo Asluub wanaagsan. 
Kacadoonkaan marka aan ka eegno dhinaca caalami, waxaa la mid dhigi karnaa kii ka dhacay Wadanka Faransiiska inta u dhaxaysay 1789-1850. Balse kacdoonkaan waxa uu dheliyay in laga qaalib noqdo dhamaan wax yaalihii sababay kacdoonkaas walibana uu dhaliyay Dowlad salballaran oo ku dayasho noqotay Guud ahaan Aduunka. Kacdoonkaan wuxuu wadanka faransiiska ku soo celiyay xasilooni dhinaca walba leh taaso waliba la ogaa sida uu ahaa Dhaqaalaha Wadankaasi kacdoonka ka hor. Maxay kula tahay labada waa ay ku kala duwan yihiin marka laga reebo Xeerka kacdoonka, waayo Mid wuxuu ahaa Wadan oo dhan midna wuxuu ku ekaa Gobollo? Aniga waxay ila tahay waxaa laga waayay Ururka RRA Nin u dhigma Napoleon-ka Faransiiska oo uu waagaa hogaamin jiray Kacdoonkaas. 
  
Marka aan u soo laabano Wadanka Gudihiisa waxa kacdoonka RRA-da la mid ah, ka dhacay Magaalada Caasimadda Mogadisho Sanadkii 2006-da kuna dhasheen Maxakamadihii Xukumayay 6 bilood wadanka. Balse miro dhalkiisa noqday mid ka daran RRA. Sababta oo ah RRA cimrigeeda wuxuu gaaray 3-Sanno halka qolooyinkan Sanadba gaari waayeen. Midaan waxay Muujinaysaa in Soomalida aysan aqrin isbedellada waawayn ee Adoonka ka dhaca ayna tahay in lugu daydo. 
  
Gebogebo 
Ururka RRA dadkii Aasasay waa ay jogaan manta. Inta badan sidii shalay in ay ka khibrad badan yihiina dhinaca siyaasada waa arin aan la iswaydiinaynin, Maxaa loo soo xasuusan wayay la iskuna Buraarujin waayay in midkaa iyo mid ka sumacad wanaagsan la soo celiyo waayo Jaaniskii shalay manta ayaa ka wanaagsan waxaa soo kordhay Aqoonyahanno, Siyaasiin aan shalay jirin walibana u istagi kara Isbedello loo wada riyaaqo. 
Waxaan Aqoonyahannada, Siyaasiyiinta, Salaadiinta & Malaaqyada, Ururada Bulshada ka howlgala Gobolladaasi ugu baaqaynaa in ay ka tagaan Damac gaar ahaaneed ( Personal ambition) una istagaan danta guud si ay Mustaqbal iyo Ubad Maskax fiyow leh u Abuuraan,nin waliba isaga ayaa aayihiisa ka tashto. 
  
Napoleon waxaa laga soo xigtay in uu yiri “ waxaa la idhalay markii uu wadankayga Dhimanayay” I was born when my country was dying, waa in la helaa nin sidaas iyo si la mid ah ah, kana soo baxa RRA-da cusub. 
 
Qore: A. Suleiman Mohamed.
 

Comments

  1. walaahi wali ma arkin nin sidaan wax ugu qora arimaha Arlaadi. Qorahaan waxaan ku dhiiro gelinaa in uu sii wado howshaan uu u haayo ummadisa isla markaasna waxaan Ilaah uga baryaa in uu Xirfadiisa Ilaah u nuuriyo. Amiiiiiiiiiin

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA