Dhacdooyin Muhiim ah oo ku saabsan Taarikhda Soomaaliya: 1960ki ilaa 2010.


1)      1 July, 1960-kii habeenkaan oo kale waxaan xornimad Buuxda qaatay Waddanka Soomaaliya. Isla habeenkaan waxaa sidoo kale isku biiray labdii gobol Waqooyi iyo Koonfur ay kala Gumaysan jireen Engiriiska iyo Taliyaaniga..
2)      1963-dii waxaa xiriirkooda xumaaday Dowladii Soomaliya ka dhalatay iyo Dowladii Ingiriiska ka dib markii Engiriiska la saftay Dowlada Kenya mar ay ku murmeen Xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaliya.
3)      1964-tii waxaa dhacay dagaalkii ugu horeeyay ee Dowladii Soomaaliya la gashay Dowladii Ethopia kaas oo ku saabsanaa Muran xuduudeed.
4)      1967 waxaa Madaxwayne loo doortay Abdirashiid Ali Sharmarke isagoo xukunka kala wareege Madaxwaynihii ugu horeeyay Soomaaliya Adan Cadde.
5)      1969-kii Abdi Rashiid Ali Sharmarke dil toogasho ayaa lugu dilo isagoo jooga Magaalada Laascoonood.
6)      21 October 1969-kii dilkii Cabdi rashiid ka dib waxaa xukunkii la wareegay Generlkii Ciidanka Soomaaliyed ee Maxamed Siyaad Barre.
7)      1970-kii Siyaad Barre wuxuu ku dhawaaqay Soomaliya in ay tahay Dowlad Hanti wadaag ah wuxuuna bilaabay in Dhaqaalaha wadanka la mideeyo.
8)      1974-75-tii Soomaaliya waxaa galaaftay Abaartii ugu xumayd ee abid dalka ka dhacda.
9)      1977-dii Soomaaliya waxay dagaal la gashay Ethiopia. Iyadoo ay rabtay in ka xurayso Gumaysiga Ethoipia Soomaalida ku nool Gobolka Ogadenai.
10)   1978-dii Ciidanki Ethopia oo taageero ka helay ciidan Cupan ah ayaa ka soo saaray ciidankii Soomalida Gobolka Ogadenia. Isla sanadkaas Siyaad barre wuxuu cayriyay dhamaan saraakiishii Midowga Soviet ee joogay dalka wuxuuna     wadaay ka dhigtay Dowladda Maraykan.
11)   1988-dii Soomaliya waxay heshiis nabadeed la gashay Dowladii Ethiopia.
12)   January 1991-dii Dowladii Siyaad Barre aboodi ayaa lagala wereegay, waxaana bilawday dagaalo kooxaysi ku salaysan.
13)   November 1991-dii waxaa dagaal ka dhexbilawday kooxihii xukunka la wareegay oo ay kala hoogaaminayeen Maxamed Farah Caydiid iyo Ali Mahdi. Dagaaladii xilligaan bilawday waxay geesteen Dhimasho, Macluul iyo Barakac kumanaan Rayid ah.
14)   1991 Soomali Land waxay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaliya inteeda kale.
15)   February 1992, Ladii kooxood waxay saxiixeen heshiis xabad joojin ay soo abaabushay UNta balse guul dareestay markii dambe. Isla marka xishiiki socon waayay UNta waxay Mogadisho keeneen ciidan gaaraya 500 askari kuwaas oo ku howl galayay magaca Unisom.
16)   Isla sanadkaan December waxaa Mogadisho soo gaaray Ciidan marines oo Ameerican ah kuwaas oo saaciday ciidakii hore loo keenay iyagoo walina ka qaybqaadanaayay howlaha gaargaarka bani’aadanimo.
17)  1993-dii Ciidankii Marines-ka waxay target ka dhigteen Maxamed Faarah Caydid oo ku soo horjeeday joogitaanka ciidankaan. Dagaaladaan u dheexay Marineska Maraykanka iyo Caydiid waxaa ku dhintay Shacab gaaraya ilaa 2000 oo qof.
18)   Isla sanadkaan 93-dii waxaa Mogadisho lugu dilo ciidan Marines garaya 18 askari ka dib markii diyaaradii ay saarnayeen ee Helicopterta la toogtay.
19)   Marso 1994 Ciidankii Marineska waxay guul daro uga baxeen Dalka Soomaliya.
20)   Marso 1995-tii Ciidanki Unta ayaa raacay kuwii Ameerikanka iyagoo barnaamijkooda ku dhamaaday fashil.
21)   1996-dii waxaa dhintay Caydiid waxaana dhaxlay wiilkiisa Husein
22)   1998-dii Gobolka Puntaland wuxuu ku dhawaaqay in uu Ismaamul Goboleed ka  yahay Soomaliya inteeda kale.
23)   2000 Abdiqasim Salat Hassan ayaa Madaxwayne loo doortay isagoo Ali Khallifna ka dhigtay Raisul Wasaare.
24)   October 2004, Abdulahi Yusuf ayaa Madaxwayne ka noqday dalka. Isagoo saacidaad Military ka helay Dowlada Deriska Ethiopia.
25)   June 5, 2005 Mogadisho waxaa ka bilawday Dagaal u dhexeeya ciidamo u daacad ah Midawga Maxaakaamta Islamiga iyo Koox la baxday Argagixixo la diriri. Iyagoo markii dambena lagala wareegay Mogadisho.
26)  September waxaa Khartum, Caasimadda Sudan wada hadal uga bilawday Midowga Maxakiimta iyo Dowladii Abdulahi Yusuf.
27)   December Ciidamadii Dowlada ee Abdulahi Yusuf oo saacidaad Military ka helaya Ethiopia ayaa Midowgii Maxaakiimti kala wareegay Mogadisho.
28)  Bishii April United Nationka warbixin ay soo saareen ayaa waxaa ay ku xaqiijiyeen ilaa February Mogadisho in ay guryahooda ka qaxeen dad gaaraya 320,000 oo rayid ah.
29)  November, Nur Husen Hassan ayaa Raisul wasaare loo magacaabay ka dib markii Ali Geedi iska casilay jagadaas.
30)  May 1, 2008 Adan Hashi Cayrow oo ahaa Hogaamiyihii Alshabaab ayaa lugu dilay Gantaal ay soo tureen Ciidamada Badda Maraykanka.
31)  August 18, Dowladii Abdullahi Yusuf waxay heshiis la saxiiday qaar ka mid ah Mucaaradka halka qaarna ay dideen heshiiskaas.
32)   November 14, Madaxwayne Yusuf waxuu qirtay in dalkii ay intiisa badan kala wareegeen Mucaaradkii. December 29 wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay howshii Dalka. Iyadoo Adan Madowe oo ahaa Godoomiyhii Pairlamanka xilka si kumeel gaar ah u haayay.
33)    January 2, Ciidamadii Ethiopia waxay bilaabeen in ay Dalka ka baxaaan.
34)   January 26 Ciidankii ugu dambeeya ee Ethoipian ah ayaa dalka ka baxay. Isla markaasna Alshabaab waxaa ay qabsadeen Magaalada Baidoa oo xaruun u ahayd Dowladii Abdulahi Yusuf.
35)   January 30, 2009 waxaa Madaxwayne loo doortay hogamiyihi Maxaakimta Islamiga Sheekh Shariif. Isagoo Raisul wasaare u magaacabay Cumar Cabdi Rashiid oo ah wiil uu dhalay Madaxwaynihii Labaad ee Dalka.
36)   April 18 Pairlamanki Dowladda Shariif waxay ansaxiyeen in Dalka lugu dhaqo Shareecada Islaamka.
37)   May Mogadisho waxaa dib uga bilawday dagaalo u dhaxeeya Dowlada shariif uu hogaamiyo iyo Saaxibadiisi hore ee kula jiray Maxaakiimta Islamiga.
38)  31 May, 2010 waxaa Godoomiye Baarlamaan loo doortay Shariif Xasan Sheekh Adan oo hore  u hayn jiray jagadaan.

Abddulkadir Suleiman
A prominent scholar of International relations.


Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA